4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 24, 2020
Hogaamiyaasha Jaamacada Carabta oo ugu baaqay Ethiopia in ay ka waantowdo biyo xireenka Niil
 

Arbaco, Juun 24, 2020 (HOL) - Jaamacadda Carabta ayaa talaadadii shalay ka codsatay Itoobiya inay ka waantowdo inay bilowdo buuxinta kaydka weyn ee ay ka dhisayso wabiga Niil, kahor inta aysan heshiis la gaarin Masar iyo Suudaan.

Qaraar ay diyaarisay Masar oo ay ansixiyeen wasiirrada arrimaha dibadda ee Jaamacadda Carabta, marka laga reebo kuwa Jabuuti iyo Soomaaliya, ayaa la qaatay intii lagu jiray shir ku dhexmaray qadka internetka.

Itoobiya waxay tilmaamtay inay bilaabi doonto buuxinta kaydka biyo xidheenka bisha Julay, xitaa iyada oo aan heshiis la galin Qaahira iyo Khartoum.

Shirka Jaamacadda Carabta ayaa yimid kadib markii uu fashil ku dhamaaday wada hadaladii u dhaxeeyay Masar, Suudaan iyo Itoobiya.

Biyo xireenka oo ay Itoobiya ka dhiseyso Webiga Nile ayaa ah isha ay ka taagneyd xiisad weyn oo u dhaxaysa Addis Ababa iyo Qaahira illaa iyo sanadkii 2011.

Suudaan iyo Masar waxay ka baqayaan in biyo-xireenkan uu xaddido doono marin-u-helka biyaha ay marayaan.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]