4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 22, 2020
Qeyb kamid ah garoonka diyaaradaha Buula-Burte oo qarax lagu bur-buriyay
 

Isniin, Juun 22, 2020 (HOL) - Qarax miino oo ah nooca dhulka lagu aaso ayaa burburiyay hoolka nasashada ee Garoonka diyaaradaha degmada Buula-burte ee Gobolka Hiiraan, lamana oga cidda illaa hadda sida rasmiga ah uga dembeysay qaraxaas oo aan geysan wax khasaaro nafeed ah.

Shacabka degmada Buula-burte ayaa maqlay inta badan jugta qaraxaas, waxa hoolka lagu burburiyay uu ahaa mid dhowaan la dhisay, waxaana hirgeliyay Xisbiga Daldhis oo kaashanaya bulshada Gobolka Hiiraan.

“Runtii qaraxaas wuxuu ahaa wax laga naxo, waxaa la innoo sheegay in xalay dhismihii aan sameynay miino lagu xeray, qiysaastii lacagta aan gelinnay waxay aheyd mid ku dhow $50,000 (Kunton kun) oo dollar” ayuu yiri Guddoomiyaha Xisbiga Daldhis Cabdiraxmaan Xuseen Caddow oo la hadlay HOL.

Lama oga waxyaabaha loo bur-buriyay hoolkaas, illaa iyo haddana si rasmi ah ma jiraan war kasoo baxay Maamulka Gobolka Hiiraan, kan degmada Buural-burte iyo si guud Hirshabeelleba.



Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]