4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 20, 2020
UN: 244 kufsi ayaa sanadkii tagay ee 2019 ka dhacay Soomaaliya
 

Sabti, Juun 20, 2020 (HOL) - Warbixin uu sii daayay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Soomaaliya sannadkii tagay ee 2019 ay ka dhaceen 774 rabshadood oo 244 kamid ah ay yihiin falal kufsi ah.

Rabshadaha galmada ayaa la sheegay inay si xad dhaaf ah usii kordhayaan, sida lagu sheegay xuska sanadlaha ah ee Maalinta Caalamiga ah ee Ciribtirka Xadgububyada Jinsiga iyo Colaadda.

Sida laga soo xigtay U.N. qiyaastii 35% dumarka adduunka ah ayaa la kulmay rabshado galmo. Khataraha ayaa xitaa ka jira guriga. bishii Abriil  ayaa lasoo wariyay in qiyaastii 243 milyan oo dumar ah ay la kulmeen gacan-ka-hadal galmo muddo 12 bilood gudahood ah.

Hay’adda Human Rights Watch ayaa sheegtay in Kufsiga iyo falalka kale ee rabshadaha galmada inta badan aan lasoo sheegin oo aan lagu ciqaabin dalka Soomaaliya, sababta oo ah dumarka loo geysto xadgudubyada ayaa inta badan u arka ceebeyn inay soo bandhigaan.

Bishii Febraayo, Maamul goboleedka Puntland ayaa noqday maamulkii ugu horeeyay ee sharci adag oo dil ah ku fuliya dambiilayaal geystay kufsi wadareed iyo dil loo geystay gabar 12 sano jir ah sanadkii 2019.

James Swan, wakiilka gaarka ah ee U.N. ee Soomaaliya, ayaa ku booriyay hogaamiyaasha dalka iyo dadka deegaanka inay waxbadan qabtaan oo dhageystaan dhibbanayaasha iyo kuwa ka badbaaday qalalaasaha la xiriira galmada.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]