4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 14, 2020
Madaxweyne Farmaajo oo shir ku casuumay madaxda maamul goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir
 

Axad, Juun 14, 2020 (HOL) - War kooban oo lagu daabacay bogga Villa Somalia ee Facebook-ga ayaa waxaa lagu sheegay in madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu casuumaad u fidinayo dhammaan madaxweynayaasha maamul Goboleedyada dalka ee qeybta ka ah Faderaalka iyo maamulka Gobolka Banaadir.

Shirka uu madaxweynaha iclaamiyay ayaa waxa uu yahay kii golaha ammaanka qaranka Soomaaliya oo sanadihii ugu dembeeyay baaqanayay.

Warka Villa Somalia ay sii deysay ayaa lagu sheegay in shirkaan looga hadlayo geeddi socodka siyaasadeed ee qaranka, gaar ahaan arrimaha doorashada Soomaaliya oo dhammaadka sanadkan iyo billowga sanadka soo socda waddanka laga qabanayo.

Sidoo kale inta aan shirkaan la qaban ayeey madaxweynayaasha maamullada dalka iyo Madaxweyne Farmaajo waxay kulan ku yeelan doonaan aaladda maqal muuqaal wadaagga ah ee internet-ka  "Zoom" , arrintaas oo ay hadda ka shaqeynayaan guddiyada farsamada.

Warkaan ayaa kusoo aadaya xilli maalmihii u dambeysay beesha caalamka ay Madaxweyne Farmaajo usoo jeedisay inuu la tashado madaxda maamul goboleedyada dalka.

 

Abdiaziz Ahmed Barrow,  Hiiraan Online
[email protected]