4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 14, 2020
Al-shabaab oo soo bandhigay askar ay sheegeen in ay kasoo goosteen Jubbaland
 

Axad, Juun 14, 2020 (HOL) - War lagu daabacay baraha taageera Al-shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamo kasoo goostay dhinaca Jubbaland ay iska soo dhiibeen Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada dhexe ee Koofurta Soomaaliya.

Sawirka labadaan askari ayaa lasoo bandhigay, waxayna Al-shabaab sheegeen in ay ka kala tirsanaayeen Ciidamada nabad sugidda Jubaland iyo guutada 43-aad ee Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Askartaan la sheegay in dhanka Jubbaland kasoo goosteen ayaa waxaa magacyadooda lagu kala sheegay Xasan Cabdi Ibraahim oo ka tirsanaa militariga dalka iyo Deeq Xasan Cabdi oo isagana ka mid ahaa ciidamada nabad-sugidda maamulka Jubaland.

Ma jiraan illaa iyo hadda war kasoo baxay militariga Soomaaliya iyo nabad sugidda Jubbaland , kaas oo ay uga jawaabayaan askartaan la sheegay in ay ka goosteen oo Al-shabaab isku dhiibay.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]