4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 13, 2020
Wasaarada Xannaanada Xoolaha Somaliland oo sheegtay in laga been sheegay dhimashada geela Gobolka Sool


Sabti, Juun 13, 2020 (HOL) - Masuuliyiin ka socda Wasaarada Xannaanada Xoolaha Somaliland oo mudooyinkii la soo dhaafay baadhitaan ku wadey  xoolaha Gobolka Sool ayaa waxay sheegeen in si qaldan warbaahinta qaarkood baahiyeen xanuun 3000 oo neef ku diley G. Sool, waxayse qireen in ay jiraan xanuun xoolaha haya oo ay daweeyeen intii ay safarka ku jireen.

Isuduwaha Xanaanada Xoolaha Gobolka Sool C/rashiid Axmed Bootaan ayaa ka warbixiyey sababta kaliftey safarkan ay ku marayaan degaanada xoola raacatadu u badan yihiin oo ku sheegay in ay tahay xaqiiqo raadin xanuuno la sheegay in uu geela laynayo taas oo uu sheegay in la waayey oo aanay jirin isagoo ta labaadna ku sheegay in ay tahay daweyneynta  xoolaha buka.

Axmed Haybe Warsame agaasimaha waaxda caafimaadka Xoolaha ee Wasaarada Xannaanada Xoolaha oo kulan kan oo ka dhacay xarunta Gobolka Sool ayaa waxa uu sheegay in safarkooda uu ka soo bilaabmay Caynabo, ayna soo mareen dhamaan degaanada ay cabashooyinku uga yimaadeen, waxana uu xusay in weli ay jiraan dhul u dhiman ha u badnaado  Hawdka.

"Xoolaha aan la kulanay dhawr arimood ayaa sabab u ah dhimashadooda,  kan dhalada ku jiraa waa Sangaale waxana uu baabiiya dhulka neefmareenka taas oo sababta in neefku waasho, tan labaad dhir badan oo barwaaqadu soo saartay oo xoolaha dhib ku haya marka ay cunaan iyo dadka oo xoolaha ku shubaya waxyaabo badan sida Badhi, Xabaasuud, Shanfax iyo waxyaabo badan oo waxyeelo u geysanaya" ayuu Dr. Axmed.

Kulankan ayaa waxaa ugu danbayn ka hadlay gudoomiyaha Gobolka Sool Cabdiqani Jiidhe ayaa waxaa uu tiimkan ka codsaday in si aad ah ugu kuurgalaan dhibaatooyinka xoolaha nool haysta ee ku soo noqnoqonaya.

Dhibaatada mudooyinkii la soo dhaafay soo wajahay geela ayaa dadku waxay siyaabo kala duwan u macneeyeen iyadoo ay kooxdan dhakhaatiirta ah sheegeen in haatan xoolihii ay soo mareen ee ay daweeyeen aan laga soo sheegin wax dhib ah oo dambe kuwii bukayna ay ladnaadeen, waxaanay ka codsadeen dadka xoolaleyda ah in marka ay dareemaan dhibaato ku timi xoolahooda ay la soo xidhiidhaan xafiisyada xannaada xoolaha.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
Laascaanood