4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 13, 2020
Mareykanka oo juhdi adag ku bixinaya kulanka Farmaajo iyo Biixi oo isbuuca soo socda ka dhici doona Jabuuti
 

Sabti, Juun 13, 2020 (HOL) - Isbuuca soo socda ayaa la rajeynayaa in ay kulmaan madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweyne Somaliland Muuse Biixi Cabdi,  kulankaas oo qorshahu yahay inuu ka dhaco Jabuuti.

Ilo ku dhow Villa Somalia oo diiday inaan magacooda isticmaalno ayaa innoo xaqiijiyay in la qorsheeyay kulanka madaxdaan,  islamarkaana dowladda Mareykanka ay dowr fiican ka qaadanayso arrintaan,  si gaar ah Danjire Donald Yamamoto.

Wada-hadalladaan oo soo bilowday 2016-dii ayaa in muddo ah hakad ku jiray,  laakiin hadda waxa wuu qorshahu yahay in ay ka qeyb-galaan mas'uuliyiin culus oo labada dhinac ah.

Ila-wareed ku sugan Somaliland ayaa sidoo kale Hiiraan Online u sheegay wasiirka arrimaha dibadda iyo Afhayeenka Aqalka hoose ee Baarlamanka Saleebaan Maxamuud Aadan ay qeyb ka noqon doonaan wada-hadalkaas,  iyagoo matalaya Somaliland.

Is-fahmi waaaga u dhexeeyay Muqdisho iyo Hargeysa ayaa kor usii kacay tan iyo intii uu madaxweyne Farmaajo uu xafiiska yimid.  Waxayna xaaladda labada dhinac ay sii adkaatay markii Somaliland iyo hay'adda dekadaha Dubai ee DP World heshiis maal-gelin loogu sameynayo dekaddaas,  kuna kacayo qiima gaaraya 440 milyuun oo doollar,  heshiiskaas oo ay dowladda Soomaaliya xaaraantinimeysay.

Madaxweyne Biixi ayaa ku dooday in xaq ay Somaliland u leedahay in ay heshiisyo gasho si ka madax bannaan dowladda Soomaaliya,  wada-hadal ay Muqdisho lasii wadaanna ay ku xirantay iney arrintaasi aqbalaan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa doorasho galaya billowga 2021-da waxaana laga yaabaa in labada dhinac ay sameeyaan dabacsanaan iyo isku soo dhowaanshiyo

Labadan hoggaamiye ayaa horay bishii February ugu kulmay Itoobiya,  kulankaas oo ahaa mid hareer socday kulankii guud ee Ururka midowga Afrika,  waxaana is aragga mas'uuliyiintan xilligaasi ka shaqeeyay Raysul wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]