4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 13, 2020
Al-shabaab oo markii ugu horeysay hirgalisay xarun loogu talo galay Covid19
 


Sabti, Juun 13, 2020 (HOL) - Kooxda Al-shabaab ayaa markii ugu horeysay shaaca ka qaadday in ay fureen goob karantiil iyo xarun daryeel oo lagula dagaalamayo COVID-19, Waxayna tani muujinaysaa in kooxdu ay si dhab ah u dareentay faafidda cudurka.

Al-Shabaab ayaa shaaciyay in xaruntan laga sameeyay magaalada Jilib, oo ah meesha ugu weyn ee kooxda Al-shabaab kaga sugan tahay koonfurta Soomaaliya.

Sheekh Maxamed Bali, oo ah sarkaal sare oo ka tirsan Al-shabaab kana mid ah xubnaha guddiga COVID-19, ayaa ku boorriyay dadka qaba calaamadaha cudurka inay yimaadaan rugta caafimaadka oo ay ka fogaadaan in la qaadsiiyo dadka kale ee muslimiinta ah.

Al-shabaab waxay ka gaabsatay inay sheegto haddii uu jiro wax kiisas ah oo laga helay dhulka ay ka taliyaan, balse waxay caddeeyeen inay sameeyeen goobtii karantiilka, laguna daweyn lahaa bukaannada.

13kii May, Al-shabaab ayaa magacaabay guddi ka kooban todobo xubnood oo loo saaray u kuurgalka xaaladaha caafimaad iyo la socoshada faafitaanka Covid19.

Muddo bilo ah, saraakiisha caafimaadka ee Soomaalaya ayaa ka digayay in meelaha ay ka taliso al-Shabab ee bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya ay halis weyn ugu jiraan faafitaanka fayraska.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]