4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 11, 2020
Puntland oo Ku dhawaaqday feejignaan dheeraad ah oo Ka dhan ah faafitaanka Covid-19
 

Khamiis, Juun 11, 2020 (HOL) - Puntland ayaa maanta ku dhawaaqday feejignaan dheeri ah oo ka dhan ah cudurka Covid19, kadib markii la sheegay inuu cudurka kusoo labo kacleeyay deegaanada Puntland oo markii hore uu kasii yaraanayay.

Warsaxaafeedka kasoo baxay kulan madaxweyne Deni uu la qaatay guddig covid19 ayaa lagu sheegay in muddo bil ah Puntland galayso xaalad feejigaan ah, iyadoo lasoo rogay awaamiir horey loo qafiifiyay iyo kuwo cusub.

Awaamirta ugu culus ee lasoo rogay waxaa kamid ah in mar kale bil dib loo dhigay imtixaanaadkii shahaadiga ah ee Puntland iyo in la joojiyay shirarkii iyo kulamada bulshada, si looga feejigaando faafitaanka cudurka.

 Halkaan hoose ka akhriso qodobada oo idil.




Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]