4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 9 , 2020
Raysal Wasaare Kheyre oo lagu wado inuu ka qeyb galo shirka Dhuusomareeb
 

Khamiis, July 9, 2020 (HOL) - Qaar kamid ah golaha wasiiradda Soomaaliya ayaa raysal wasaare Kheyre usoo jeediyay in uu ka qeyb galo shirka Dhuusomareeb uga furmaya madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Soomaaliya.

Sida aan ku helnay ilo xog-ogaal ah, waxay golaha wasiiradda soo jeedintaan kusoo gudbiyeen intii lagu jiray shirka golaha wasiiradda oo uu shir guddoominayay raysal wasaare Kheyre kaasoo lagasoo saaray qodobo ay kamid yihiin in doorashadu waqtigeeda ku dhacdo.

Raysal Wasaare Kheyre ayaa soo dhoweeyay talo soo jeedinta golaha wasiiradda, waxaana la filayaa inuu safar degdeg ah ku aado magaalada Dhuusomareeb si uu uga qeyb noqdo shirkaas.

Lama oga in raysal wasaaruhu arimaha doorashada mowqif kala yahay dowlad goboleedyada, hase yeeshee xukuumada Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday mowqif aan la filaynin oo ah in doorashada aan dib loo dhigi Karin.

Madaxweynaha iyo raysal wasaaraha ayaa mowqif isku mid ah arrintaan kasoo saaray.

Mowifkaan waxaa la filayaaa inuu soo afjarayo walaaca laga qabay muddo kordhinta dowladda islamarkaana wuxuu kaloo wax ka bedelayaa ajendaha shirka Dhuusomareeb oo ay ugu weynayd arimaha dib u dhaca doorashada.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]