4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 9 , 2020
Madaxweyne Farmaajo oo soo dhoweeyay go'aankii golaha wasiirrada ee ku saabsanaa arrimaha doorashada dalka
 

Khamiis, July 9, 2020 (HOL) - War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu soo dhoweynayo go'aankii galabta ay soo saareen golaha wasiirrada ee ku saabsanaa arrimaha doorashada.

Warka qoraalka ah ayaa lagu sheegay in madaxweyne Farmaajo uu si adag u taageersanyahay in doorashada waqtigeeda lagu qabto, iyadoo aysan jiri doonin wax muddo kororsi ah.

"Madaxweyne Farmaajo wuxuu soo dhoweynayaa go'aanka Golaha wasiirrada ee ah in si hufan looga shaqeeyo arrimaha doorashada " ayaa lagu yiri warka kasoo baxay xafiiska warfaafinta ee Villa Somalia.

Ra'iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa galabta sheegay in wasiirrada dalka ay shirkoodii khamiista maanta kaga hadleen arrimaha doorashada,  waxayna isla soo qaadeen in dalka laga hir-geliyo doorasho ku dhacdo waqtigeeda, oo ku timaada hannaan la isla ogolyahay.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]