4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 9 , 2020
Wafdi uu hoggaaminayo madaxweyne Laftagareen oo Dhuusamareeb gaaray


Khamiis, July 9, 2020 (HOL) - Waxaa garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ee Magaalada Dhuusamareeb ka degay wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed {Lafta-gareen}, waxaana uu ka qeyb-galayaa shirka lagu wado in gilinka dembe ee maanta uu ka furmo magaaladaasi, kaas oo ay yeelanayaan madaxda maamul Goboleedyada dalka.

Madaxweyne Lafta-gareen waxaa halkaasi kusoo dhoweeyay madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, xubno kamid ah xildhibaannada iyo Golaha wasiirrada maamulkaas.

Waxaa shalay horay u gaaray Dhuusamareeb wafdi hor-u-dhac ahaa oo ka tirsanaa madaxtooyada koonfur galbeed oo uu kamid ahaa Agaasimaha hab-maamuuska  Maxamed Cali Barre iyo xubno kale  .

Ammaanka Dhuusamareeb ayaa aad loo adkeeyay, waxaana maanta la filayaa in sidoo kale magaaladaas ay gaaraan madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland oo iyagana shirkaan qeybta ka ah.

Waxaa la filayaa in la isla soo qaado inta shirkaas uu socdo in laga hadlo masiirka siyaasadeed ee qaranka Soomaaliya, sida ammaanka, arrimaha doorashooyinka iyo in meel la iska dhigo tabashooyinka maamullada qaar iyo madaxda dowladda Faderaalka ah ee Soomaaliya. Haddii shirkaan ay kasoo baxaan qodobbo la isla ogolyahay waxaa xigi doona shirkii baaqday ee uu horay madaxweyne Farmaajo ugu casuumay madaxda maamul Goboleedyada .

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]