4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 9 , 2020
Soomaaliya oo shaacisay kiisas cusub oo ah xanuunka COVID-19
 

Khamiis, July 9, 2020 (HOL) - Wasiirka wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada ee Soomaaliya Marwo Fowsiya Abiikar Nuur ayaa waxay sheegtay in dalka laga helayo xaalado cusub oo ah xanuunka COVID-19, sida ay ku sheegtay warbixinta maalinlaha ee kasoo baxdo wasaaradda ay hoggaamiso.

Kiisaska Cusub ayaa gaaraya 13 xaalad oo laga helay Gobollada Banaadir, Puntland iyo Somaliland.

Gobolka Banaadir waxaa laga helay 7 xaalad oo cusub , halka Puntaland lagasoo weriyay 4 ruux, Somaliland-na 2 qof ayaa xanuunka lagu arkay.

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya waxay qeexday dadka xanuunkan lagu sheegay iney kala yihiin 9 rag ah iyo 4 dumar ah .

Dhammaan waxaa xaaladahaan lagu arkay dalka 24-kii saac ee u dembeeyay.

Dhinaca kale Wasaaradda caafimaadka waxay tafaasiil dheeraad ah ka bixisay dadka xanuunkaan ka bogsooday saacadihii u dembeyay guud ahaan Soomaaliya waxaa lagu sheegay 51 qof, taas oo guud ahaan dadka ka caafimaaday Soomaaliya Coronavirus ka dhigeysa 1,147 ruux sida ku cad warka wasaaradda caafimaadka kasoo baxay.

Warbixinta wasaaraddu ay sii daysay laguma sheegin qof u dhintay saacadihii u dembeeyay xanuunkan.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]