4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 7 , 2020
Maxkamadda gobolka Banaadir oo dib u dhigtay dacad loo haysto weriye Cabdicasiis Gurbiye
 

Talaado, July 7, 2020 (HOL) - Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta dib u dhigtay dhegaysiga dacwad loo haysto Cabdicasiis axmed Gurbiye oo katirsan warbaahinta Goobjoog, kaasoo ku eedaysan inuu geystay gef iyo been abuur ka dhan ah madaxweynaha Soomaaliya.

Weriye Gurbiye ayaa bartamihii bishii Abril wuxuu bartiisa facebook kusoo daabacay qoraal ku saabsanaa in madaxweyne Farmaajo uu qaatay mashiinka neefta siiya sanbabada oo loogu deeqay Isbitaal Martiini.

Qareenka udoodaya ayaa sheegay markii weriyaha la horkeenay maxkamadda in ay hor-istaageen eeda iyagoo kasoo horjeestay in dacwada weriyaha lagu salleeyo xeerka ciqaabta Soomaaliyeed.

“Maadaama uu weriyuhu yahay qof xirfad leh laguma qaadi karo xeerka ciqaabta Soomaaliyeed. Qodobka 29-aad ee xeerka saxaafada ayaa nidaaminaya dacwada loo haysto weriyaha,” ayuu yidhi Carab Daahir oo ah qareenka udoodaya weriye Gurbiye.

Maxkamada gobolka Banaadir markii ay dhegaysatay qareenada iyo xafiiska xeer ilaalinta waxay sheegtay inay go’aan kasoo gaaridoonto eeda weriyaha loo haysto in lasii wadi karo ama in la joojiyo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa saddexdii bishii May, ballan qaaday in xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed ee duugoobay ku sameynayo dib u eegis, isaga oo intaa raaciyey inuusan ku habboonayn in lagu maxkamadeeyo wariyeyaasha.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]