4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 6 , 2020
Soomaaliya iyo China oo isla meel dhigay ixtiraamka madax-bannaanida iyo dowladnimada labada
 

Isniin, July 6, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo wadahadal la yeeshay safiirka Shiinaha ee Soomaaliya Qin Jian, ayaa diiradda saaray ixtiraamka madax-bannaanida iyo dowladnimada labada dal.

Intii kulanku socday, labada dhinac waxay adkeeyeen muhiimadda xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya labada dal iyo dadkooda.

Farmaajo ayaa soo dhoweeyay taageerada Shiinaha ee midnimada iyo dowladnimada Soomaaliya, wuxuuna ballanqaaday Soomaaliya inay ixtiraamidoonto madax-bannaanideeda iyo dowladnimadeeda dhul.

"Labada dhinac waxay adkeeyeen aragtida wadajirka ah ee ixtiraamka midnimada iyo wadajirka dhuleed," ayuu Farmaajo ku yiri hadal uu soo saaray fiidnimadii Sabtida.

Safiirka China Qin wuxuu mar kale xaqiijiyey ballan-qaadyada dowladda Shiinaha ee ah inay ixtiraamayso madax-bannaanida iyo midnimada Soomaaliya.

Maamulka Somaliland ayaa dhawaan sheegay inay Taiwan u aqoonsan yiiin dal ahaan, iyagoo ugu tagay dalkooda islamarkaana u wada hadlay labo dowladdood oo yeelanaya xidhiidh cusub oo taariikhi ah.

Tallaabada Somaliland waxay ka caraysiisay dowladda China oo safaaraddeeda Soomaaliya ay soo saartay bayaan kooban oo ay ku cambaaraynayso arintaas.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]