4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 4 , 2020
Dowladda Soomaaliya oo Iran ka dalbaday inay jawaab ka bixiso jarriifka maraakiibteedu ku hayaan biyaha Soomaaliya
 

Sabti, July 4, 2020 (HOL) - Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee Soomaaliya ayaa Iiraan ka codsatay inay soo bandhigto macluumaad dheeri ah oo ku saabsan howlaha maraakiibteeda ay ka wadaan Badweynta Hindiya ka dib markii dhowr ka mid ah lagu arkay biyaha Soomaaliya iyo Yemen.

Wasiirka Kalluumeysiga ee Soomaaliya Abdullahi Bidhaan Warsame ayaa sheegay inay jiraan walaac isa soo taraya oo ku saabsan kalluumeysiga sharci darrada ah ee ay xeebaha Soomaaliya ku hayaan maraakiibta badidoodu yihiin kuwa ka yimid dekedaha Iiraan ee Konarak, Bandar-e, Tiyab iyo Ramin.

‘’Xaaladda la xiriirta jiritaanka maraakiibta Iiraan ee ku sugan biyaha Soomaaliya ayaa weli ah walaac muddo dheer ka taagnaa  Soomaaliya, waxayna qatar weyn ku tahay amniga cunnada, horumarka dhaqaalaha, madaxbanaanida badda iyo Cilmiga bey'adda Soomaaliya, ”ayuu Warsame ku qoray Twitter.

Wasiirka ayaa ka jawaabay warbixin cusub oo ay soo saartay hay’adda Global Fishing Watch iyo Trygg Mat Tracking, kuwaas oo xog aruurin ay sameeyeen intii u dhaxeysay January 2019 iyo April 2020 ay ku muujiyeen sida maraakiibta Iiraan ay ogolaansho la’aan uga shaqeysanayeen Aagaga dhaqaale ee gaar ah Exclusive economic zone (EEZs) ee Soomaaliya iyo Yemen.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]