Sabti, Luulyo 18, 2020 (HOL) - Madaxweynaha dowladda federalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa galabta gaaraya magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.
newsinsideMadaxweyne Farmaajo ayaa halkaasi uga qeybgalaya shir ay yeelanayaan Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha Xubnaha ka ah oo lagu gorfeynayo wadashaqeynta labada heer ee Dowladda iyo doorashooyinka qaran ee dalka kusoo foolleh.
Dhinacakale, raysal wasaare Kheyre iyo madaxweynayaasha dowlad goboleedyada ayaa saakay ku wajahan Dhuuso mareeb, iyagoo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Garowe.
Waxay Garowe u tageen ka qeyb galka aaskii raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]
[email protected]