4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 13, 2020
Madaxda maamul goboleedyada "Soomaaliya kama dhici karto, xilligaan doorasho qof iyo cod ah "
 

Isniin, Luulyo 13, 2020 (HOL) - Waxaa xalay saq-dhexe war murtiyeed laga soo saaray shirkii magaalada Dhuusamareeb uga socday madaxda Maamul Goboleedyada ee dalka,  waxaana dhammaan qodobada ay ahaayeen kuwa ku tacaluqa xaaladda siyaasadeed ee dalka,  arrimaha ku saabsna marxaladda kala-guurka iyo doorashada dalka.

Warka oo ka koobnaa Afar qodob, waxaa la isla gartay in Soomaaliya aysan ka dhici karin doorasho qof iyo cod ah,  sidaasi darteed loo baahanyahay in dib looga fikiro hannaan siyaasadeed oo la isla ogolyahay.

Waxaa sidoo kale la isla gartay in mar kale la qabto kulan loo dhanyahay oo ay qeyb ka yihiin madaxda sare ee dowladda dhexe  sida Madaxweyne  Farmaajo  iyo ra'iisul wasaare Xasan Cali Kheyre , waxaana la isla gartay in shirkaasi lagu qabto magaalada Dhuusamareeb.

Soomaali badan ayaa qodobada kasoo baxa shirka Dhuusamareeb si weyn indhaha ugu taagayay maalmihii ugu dembeeyay.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]