4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 12, 2020
War-murtiyeed laga soo saaray shirkii Dhuusamareeb
 

Axad, Luulyo 12, 2020 (HOL) - Shirkii madaxweynayaasha Dowlad-gobolleedyada dalka ee labo maalin ka socday magaalada Dhuusamareeb ayaa goor dhow warmurtiyeed laga soo saaray.

Warmurtiyeedka oo ka kooban shan qodob, ayaa hoggaamiyeyaasha waxaa ay ku baaqeen wadatashi laga yeesho nooca doorasho ee dalka ka dhacaysa, maaddama sida ay sheegeen aysan xilligan waqtigeeda ku dhici karin doorasho qof iyo cod ah.

Wajiga labaad ee shir lagu ballamay inuu ka dhaco magaalada Dhuusamareeb , ayay ku baaqeen inay ka soo qeybgalaan Madaxweynaha Dowladda Federaalka iyo Ra’iisul Wasaaraha, balse lama muddeyn xilliga.

Hoos ka akhri warmurtiyeedka;

1. In la xoojiyo iskaashiga Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dhinacyada siyaasadda, amniga iyo horumarinta dhaqaalaha.

2. In doorashada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee 2020/2021 ay ku dhacdo wakhtigeedii, aysanna imaan wax muddo kordhin xileed ah.

3. Sida ay sheegtay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Dalka kama dhici karto doorasho hal qof iyo hal cod ah oo wakhtigeedii ku dhacda, sidaas darteed waa in tubta farsamo ee qabsoomidda doorashada Dalku ay noqoto mid taladeeda loo dhan yahay, nooc ahaanna ku dhici karta muddo xiliyeedka harsan.

4. Shirku wuxuu ku baaqayaa in Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah iyo Ra’iisal Wasaaraha iyo Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah ay shir wada-tashi ah isugu yimaadaan si ay uga wada arrinsadaan tubta farsamo ee qabsoomidda doorashada Dalka ee 2020/2021. Shirku wuxuu ku baaqayaa in shirka wadatashiga Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah uu ka dhaco magaalada Dhusamareeb ee Caasumadda Galmudug.

5. Shirku wuxuu ka mahad celinayaa taageerada Beesha Caalamka ee ay la garab taagan tahay dhismaha Dowladnimada Soomaaliya.

Abdisalan Nur Dirie, Hiiraan online
[email protected]