4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 12, 2020
Madaxweynaha Galmudug oo dedaal ku bixinaya Dowladda Federaalka inay ku biirto shirka Dhuusamareeb

Axad, Luulyo 12, 2020 (HOL) -  Madaxda dowlad-gobolleedyada dalka ayaa ku shirsan magaalada Dhuusamareeb oo xarun u ah dowlad-gobolleedka Galmudug, iyadoo shirka uu hadda galay wajiyadii u dambeeyay ee doodda fool-ka-fool .

Kullankii u dambeeyay ee xalay ayaa lagu tilmaamay midkii ugu dheera ee hoggaamiyaasha ay si kaliya dood u yeeshaan, waxaana hadda socda dedaallo kale uu wado madaxweynaha Galmudug,Axmed Cabdi Kaariye oo doonaya shirka inay ku soo biirto Dowladda Federaalka , si wada-hadallada ay u noqdaan kuwo loo dhanyahay.

Golaha wasiirrada Federaalka ayaa kullankii khamiistii ay yeesheen waxaa ay cod u qaadeen in shirka uu ku biiro Ra'iisul wasaaraha, wararka ay heshay Hiiraan Online ayaa xaqiijinaya  inta badan wasiirrada inay oggalaadeen xukuumadda inay shirka qeyb ka noqoto.

Qodobbada doodda

Kullanka madaxweynayaasha Dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka oo isha lagu hayo, waxaa ay doodda adag ka taagan tahay saddex qodob, sida ay oggaatay Hiiraan Online.

Madaxda waxaa ay wadaagayaan, haddii ay jirto nooc doorasho oo ay ku mideysanyihiin oo ay isku raaci karaan, iyadoo qodobkan si gaar ah loo eegayo xilli uu dalka galay xilli kala guur ah oo aysan caddeyn nooca doorashada marka laga soo tago kala doorashadii ay soo bandhigeen guddiga doorashooyinka qaranka.

Qodobbada kale ayaa ah ee xalka uga baahan oo ay ka dooddayaan madaxweynayaasha dowlad-gobolleedyada , go'aamadii Baarlamaanka Federaalka ee la xiriiray matalaada gobolka Banaadir iyo xubnaha ay ku yeelanayso Aqalka sare, waxaa intaa dheer go'aamo ay ku mideysanyihiin oo ay ula tagayaan dowladda Federaalka oo aan xiriir wanagsan la lahayn dowlad-gobolleedyada qaar, waqtiga ay wada-hadallo yeelan karaan iyo goobta lagu qabannayo.

Warar ku dhow kullamada ayaa sheegaya in qodobbada qaar la isku fahmay, balse ay wali dood ka taagantahay qodobbada qaar, wallow uu dedaallo isku soo dhawaansho waddo madaxweynaha martida loo yahay ee Galmudug.

Abdisalan Nur Dirie, Hiiraan online
[email protected]