4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 12, 2020
Madaxa cusub ee hay'adda IOM oo ballanqaaday inay xoojinayaan taageerada Soomaaliya


Axad, Luulyo 12, 2020 (HOL) - Madaxa cusub ee howlgalka Soomaaliya ee hey’adda Socdaalka Adduunka IOM, Richard Danziger oo maanta booqasho ku tagay xarunta Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa ballanqaaday inay kor u qaadayaan taageerrada ay siiyaan dowladda Soomaaliya.

Danziger ayaa tilmaamay inay hadda kala shaqeynayaan dowladda Soomaaliya sidii shaqooyin loogu abuuri lahaa dhallinyarada iyo muwaadiniinta Soomaalida ah ee ka soo laabannaya xeryaha qaxootiyada ee ku yaalla caalamka.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Sadiiq Xirsi Warfaa oo xafiiskiisa ku qaabbilay madaxa cusub ee IOM ayaa soo dhaweeyay ballanqaadka cusub, wuxuuna hay'adda ku ammaanay garab istaagii dedaallada ka hortagga fayruska Covid-19 ee xukuumadda Soomaaliya.

"Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an inay muwaadiniinta helaan hannaan u jiheynaya shaqooyin iyo taageero la isku haleyn karo." ayuu yiri Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Shantii sanno ee u dambeysay waxaa kordhay qaxootiga ka soo laabanaya dalka dibadiisa, kuwaaso inta badan ka cowda inaysan dalka ka helin shaqooyin iyo fursado kale oo ay dib nolashooda u dhisan, balse hadda waxaa xooggeysanaya dedaallada dowladda ee arrintaa ku aaddan.

Abdisalan Nur Dirie, Hiiraan online
[email protected]