4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 12, 2020
Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax oo dalka Turkiga ku geeriyooday
 

Axad, Luulyo 12, 2020 (HOL) -Xasan Abshir Faarax oo horay ra’iisul wasaare ugasoo noqday Soomaaliya ayaa ku geeroyooday dalka Turkiga sida ay eheladiisan u xaqiijiyeen Warbaahinta.

Marxuumka ayaa waxa uu waayadii dembe ku xanuunsanayay waddankaasi, waxa uuna ahaa siyaasi miisaan culus oo horay xilal kala duwan uga soo qabtay Soomaaliya .

Allaha U Naxariistee Abshir ayaa xilligii dowalddii dhexe, bur-burka ka hor soo noqday Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo duqa Caasimadda Muqdisho.

Waxa uu sidoo kale 2001-dii illaa  2003-dii uu soo noqday ra’iisul wasaarahii Soomaaliya, xilligaas oo uu dalka madaxweyne Kumeel gaar ah ka ahaa Cabdiqaasim Salaad Xasan.

Xasan Abshir Faarax ayaa kamid ahaa aas-aasayaasha Puntland, wuxuuna ahaa siyaasi si weyn looga qadariyo guud ahaan Soomaaliya

Waxa uu ku geeriyooday da’da 75 sano, sida caa’iladiisa ay sheegeen.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]