4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 12, 2020
Sargaal Al-shabaab u qaabilsanaa canshuuraha iyo askaraynta oo la dilay
 

Axad, Luulyo 12, 2020 (HOL) - Madaxii Al-Shabaab u qaabilsanaa howlaha canshuuraha koonfurta Soomaaliya ayaa lagu dilay howlgal ay fuliyeen  ciidamada amniga.  Salaad Dheere, ayaa la sheegay in la diley kadib markii ciidamada amniga ay weerareen tuulada BulaHawo oo u dhow Bardaale, oo ah Koonfur Galbeed.

Ilo ka tirsan milatariga ayaa sheegay in uu ka mid ahaa ragga sida aadka loo raadsado. Warbixinada waxay sheegayaan inuu ku lug lahaa askaraynta  iyo tababarka dhalinyarada ka soo jeeda gobolka. Waxaa sidoo kale loo xilsaaray inuu soo aruuriyo dakhliga oo uu siiyo dagaalyahannada Al-shabaab.

Waxaa la dilay Jimcihii laakiin ma cada in ay Ciidamada Itoobiya oo ku sugan gobolka Baay ay ka qeybgaleen howlgalkaas, ama ay kaligood sameeyeen ciidamada XDS.

Al-Shabaab waxay leeyihiin isbaarooyin kuyaala dhulka ay ka taliyaan halkaas oo dadka deegaanka ay inta badan ku qasbanaadeen inay lacag bixiyaan, taas oo qayb ahaan loo istcimaalo in lagu sii wado howlgallada.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]