4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 11, 2020
Puntland oo ka hadashay sababta ay ciidamada badan u geysay Dhuusomareeb
 

Sabti, Luulyo 11, 2020 (HOL) - Wasiirka amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan, ayaa sheegay sababta ay Puntland ciidamo aad u badan u geysay Dhuuso mareeb, ay tahay  sidii maamulka Puntland uga qeyb qaadan lahaa sugida amniga shirka Dhuusomareeb..

Wasiirka amniga oo wareysi bixinayay isagoo ku sugan hoolka shirka uu ka furmayo ayaa warbaahinta u sheegay in maamulka Galmudug uu yahay maamul curdina oo aan kaligiis ku filnayn masuliyadda amniga shirka.

Wuxuu sidoo kale sheegay in Puntland iyo Galmudug uu ka dhexeeyo heshiis ay dhawaan ku galeen Gaalkacyo oo ku saabsan in amniga ay si wadajir ah uga wada shaqeeyan.

Puntland ayaa ciidamada ugu badan geysay Dhuusomareeb. Waxaa jirtay in Puntland ay diiday in ciidanka dowladda federalka ay kaalin ku yeeshaan sugida amniga shirka, iyadoo  la isku afgartay in ciidamo isku dhaf ah oo ka kala socda Galmudug iyo Puntland ay buuxiyaan booska ciidankaas.

Shirka ayaa goor dhowayd furmay waxaana guud ahaanba la joojiyay isku socodka gaadiidka, waxaana magaalada lagu daadiyay ciidamo iyo gaadiidka dagaalka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]