4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 10, 2020
Ciidanka amniga Puntland iyo koox ka ganacsata Qamriga oo caawo ku dagaallamay Gaalkacyo
 

Jimco, Luulyo 10, 2020 (HOL) - Iska hor-imaad u dhexeeyay ciidamada amniga Puntland iyo koox hubaysan ayaa caawo ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

4 qof ayaa ku geeriyooday iska hor-imaadkaan, halka tiro ku dhow 7 qof oo labada dhinac ah ay ku dhaawacmeen, sida aan kasoo xiganay masuuliyiinta caafimaadka gobolka Mudug.

Iska hor imaadku waxa uu ka dhashay kadib markii ciiddanka amnigu ay qaadeen howlgal ka dhan ah maandooriyaha iyagoo bartilmaameesaday goob lagu sheegay in lagu kala iibiyo qamriga lasoo galiyo magaalada Gaalkacyo.

Labada dhinac ayaa isku addeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan. Wuxuu iska hor-imaadka ka dhacay xaafada Garsoor, oo la sheegay inay ku yiileen goobo farriisin u ah dadka ka ganacsada Maandooriyaha Qamriga iyo xashiishada.

Ciidamada amniga ayaa la sheegay inay la wareegeen guri Qamriga lagu kala iibiyo oo saldhig u ahaa dableyda.

Lama sheegin wax khasaare ah oo shacabka kasoo gaaray. Xaafadaha ku dhow goobta lagu dagaalamayay, ayaa ah kuwo inta badan cidlo ah oo looga guuray dagaaladii Gaalkacyo ku dhexmaray Galmudug iyo Puntland sanadihii 2015/2016.

Shacabka magaalada Gaalkacyo ayaa aad uga cabanayay Qamriga oo la sheegay inuu qeyb weyn ka yahay amni xumada Gaalkacyo. Kooxaha maandooriyaha ayaa xilliyada habeenkii magaalada ka sameeyan falal lid ku ah amniga.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]