4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 10, 2020
Soomaaliya oo la wareegtay hoggaaminta Madasha wasiirrada waxbarashada jaamacadda Carabta
 

Jimco, Luulyo 10, 2020 (HOL) - Wasaaradda waxbarashada ee Jamhuuriyadda fedaralka Soomaaliya ayaa la wareegtay hoggaaminta madashada wasiirrada waxbarashada ee Jaamacadda Carabta,  xilkaan ayaa Soomaaliya ugu dembeysay sanadkii 1983-dii.

Xilkaan ayaa waxay wasaaradda waxbarashada dalka hayn doontaa muddo labo sano ah.

Wasiir-dowlaha wasaaradda waxbarashada Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle ayaa u sheegay warbaahinta in Soomaaliya iney qabato mas'uuliyaddan ay u leedahay muhiimad gooni ah.

"Runtii xilkaan waxaan innoogu dembeysay qabashadiisa muddo fog,  waxayna maanta innoo sameyneysaa micno gaar ah ' ayuu u sheegay saxaafadda wasiiru dowlaha waxbarashada dalka Cabdiraxmaan Maxamuud.

Soomaaliya oo dib ugasoo kabaneyso colaadihii muddada dheer dalka ka jiray,  ayaa hadda kasoo muuqaneysa saaxadihii caalamka ee lagu yaqaannay bari hore.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]