4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 10, 2020
Dad ku dhintay gaari lagu rasaaseeyay duleedka degmada Cadale



Jimco, Luulyo 10, 2020 (HOL) - Wararka laga helayo degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in dabley hubeysan ay rasaas ku fureen gaari nooca raaxada ah oo Muqdisho ka baxay kuna sii jeeday Gaalkacyo, waxaana ka dhashay khasaare nafeed.

Gaariga oo ah nooca Soomaalidu u taqaan Leyla-Calawi ayaa waxaa lagu rasaaseeyay deegaanka loo yaqaan Bashaqle , goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in kooxaha rasaasta huwiyay gaariga ay ahaayeen rag ay Isbaaro u taallay.

Inta badan gaadiidka ka baxa Muqdisho oo kusii jeedo Gobollada dhexe ee dalka ayaa mara dhulka deexda ah sababo ammaan.


Ma jiraan illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay Maamulka degmada Cadale oo ku saabsan weerarka lagu qaaday gaarigaas  ee uu khasaaraha nafeed ka dhashay.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]