4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 10, 2020
Maraykanka oo duqayn la beegsaday bar kontarool oo Al-shabaab ku lahaayeen gobolka Shabeeladda hoose
 

Jimco, Luulyo 10, 2020 (HOL) - Taliska Mareykanka Afrika, ayaa isagoo kaashanaya Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, wuxuu fuliyey duqeyn cirka ah oo lagu bartilmaameedsanayay bar kontorool oo ay al-Shabaab ku lahayd degaanka Hantiwadaag ee gobolka Shabeeladda hoose.

Jeneraal Bradford Gering, oo ah kuxigeenka madaxa howlgalada, Taliska Mareykanka ee Qaarada Afrika ayaa sheegay kontaroolka la duqeeyay inay Al-shabaab  u adeegsan jireen si ay ugu dhibaateeyaan dadka aan waxba galabsan ee socotada ah.

Weerarkan cirka ah ayaa lagu dilay mid kamid ah xubnahan Al-shabaab laguna burburiyey bar koontarool.

Taliska Mareykanka ee Qaaradda Afrika wuxuu hadda qiimeynayaa inaysan jirin dad rayid ah oo dhaawacmay ama lagu dilay duqeyntaas.

Taliska Mareykanka iyo la-hawlgalayaasheeda caalamiga ah waxay aqoonsan yihiin in xasilloonida Soomaaliya aan lagu gaari doonin qaab militari oo keliya. Waxay sheegeen inay u baahan tahay in lasiiyo barnaamijyo iyo fursad dadka Soomaaliyeed.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]