4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 19, 2020
Dr Carab“Mishiinkii hore ee Oxygen-ku waa gabaabsi oo mid weyn baa soo socda”

 

Axad, Janaayo ,19,2020 (HOL )– Maalmihii dambe waxay dadweynuhu aad uga cabanayeen qalabka Oxygen-ka oo cisbitaalka guud ee Hargeysa  ku yar yahay , taas oo sababtay inay caruur yaryar u nafwaayeen adeegaasi.

Mas'uuliyiinta wasaarada Caafimaadka oo hortagay Guddida joogtada ah ee golaha Guurtida si wax looga waydiiyo xaaladda cisbitaalka guud ee Hargeysa.

Agaasimaha Cisbitaalka guud Dr;Yaasiin Carab ayaa sheegay in mishiinkii hore ee Oxygenku gabaabsi yahay oo uu imika u imanayo mishiin weyn oo naqaska (Oxygen-ka) taas oo madaxweynuhu u dalbay.

“ Qalab Cusub ayaa Cisbitaalka usoo socda oo aan filayo inuu dhowaan yimaado, waxaan ka mid ah Mishiinkii ugu weynaa Oxygen-ta oo dhib weyn ka haysta Cisbitalka oo Mishiinkii Hore Waxuu Noqdey Mid Gabaabsi Ah , Waxaana noo dalbay Mishiinkaas madaxweynaha “ayuu yidhi agaasime Yaasiin Carab.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in qaybta dhiqidda kalyaha ay saacado badan shaqayso oo maalin kasta 31 qof loo sifeeyo kalyahay taas oo adeegaasi bilaash yahay.

“qaybta sifeynta kalyaha maalin walba way shaqaysa, waxaana maalin kasta kalyaha u sifeynaa 31 qof oo adeeg bilaash ah loo qabtaa, maalinta ugu horeysa ee la diwaangaliyo ayaa boqol dollar laga qaadda, waxaana qofkii loo shaqeeya afar saacadood, taas oo keentay in saddex goor shaqada lagu noqdo si qalabka loo nadiifiyo”ayuu hadalkiisa raaciyey.

Agaasime Yaasiin Carab ayaa sheegay in sagaal dhakhtar oo cisbitaalku lacagta ka bixiyo ku maqan yihiin Itoobiya markay waxbarashada soo dhamaystaana ay dib uga hawlgali doonaan cisbitaalka iyo goboladda kale.

Agaasime Dr: Yaasiin Carab ayaa sheegay inuu cisbitaalka Guud ee Hargeysa ka kooban yahay Qaybta gargaarka degdeg ah, qaybt caruurta, qaybta dhimir, qaybta qaliinka, qaybta dumarka iyo xanuunada guud.

Waxa kale oo uu agaasimuhu sheegay in dad faro badan oo ku dhow 1500 oo qof Turkiga u tageen caafimaad, kuwaas oo lacag badan inagaga tagay waxa loo qabanaya uu yar yahay, waxaanu xusa in tayeynta cisbitaalka u horeyso in shaqaalaha laga bilaabo.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.