4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 19, 2020
Hay'adda Qaxootiga aduunka oo xanibtay Qaxooti Soomaaliyeed oo ka mudaharaaday takoor
 

Axad, Janaayo, 19, 2020 (HOL)- Hay'adda Qaxootiga ee Qaramada Midoobay ayaa xanibtay Qaxooti Soomaaliyeed oo ka qeyb qaatay mudaaharaadyo looga soo horjeedo takoorka qaxootiga Afrikaanka ah ee ku nool magaalada Sanca, ee Caasimadda Yemen.

Hay'adda UNHCR ayaa weydiisatay mas'uuliyiinta xuutiyiinta  inay soo xiraan Abdulkader Ahmed Hassan, oo ah hoggaamiye bulsho iyo u dhaqdhaqaaqa xuquuqda boqolaal qaxooti ah bishii Maarso ee la soo dhaafay.

Daraasiin haween iyo caruur ah oo ku nool Sana'a ayaa si nabad ah ku soo bandhigay in la wanaajiyo xaaladahooda adag iyo in la joojiyo dhamaan noocyada takoorida ee ay sameysay Hay'ada.

Xafiiska UNHCR ee Geneva ayaa baaritaanka ku haya saraakiisha Yemen, laakiin dadku waxay ku nool yihiin cabsi mana la wadaagi karaan macluumaadka ka dhanka ah saraakiisha UNCHR ee Yemen.

Qoyska Xasan ayaa loogu  hanjabay dil haddii uusan joojin halgankiisa ka dhanka ah saraakiisha UN-ka islamarkaana uu waayidoono xaaskiisa iyo carruurtiisa.

Qaxootiga ayaa sheegaya in qabashada Xasan ay tahay isku day lagu aamusinayo qaxootiga laguna cabsi gelinayo kuwa dhiira galinaya musuqmaasuqa dib u dejinta iyo gargaarka maaliyadeed.

Si kastaba ha noqotee, shaqaalaha UN-ka iyo la hawlgalayaasheeda ayaa lagu eedeeyay inay si xun ula dhaqmaan qaxootiga iyagoo xirxiraya, xannibaya kiisaskooda dib-u-dejinta.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]