4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 18, 2020
Maxay tahay sababta Galmudug iyo Hirshabelle uga maqanyihiin mashruuca maanta la hakiyay ?
 

Sabti, Janaayo, 18, 2020 (HOL)- Bangiga Adduunka ayaa bishii December ee sanadkii hore ansixiyay $ 112 milyan oo deeq ah oo loogu talagalay in lagu bixiyo kaabayaasha mudnaanta leh ee magaalooyinka Soomaaliya lana xoojiyo awoodda dowladdaha hoose.

Dhaqaalahaan ayaa ku jira wajiga labaad Mashruuca la yiraahdo The Somalia Urban Resilience Project (SURP), oo taageeri doona maalgashiga kaabayaasha magaalooyinka istiraatiijiga ah ee leh wax soo saarka sida Muqdisho, Garowe, Kismayo iyo Baydhaba.

Warbixinta Bankiga aduunka waxaa lagu sheegay in mashruuca la balaarindoono oo uu gaaridoono magaalooyinka Galmudug iyo Hirshabelle si loo daboolo baahida qaran ee dalka.

Muhiimada laga leeyahay mashruucaan waa inuu gacan ka geysto adeegsiga nidaamyada Maareynta Maaliyadda Dowladda iyo u oggolaanshaha dowladdaha hoose inay hoggaamiyaan gaarsiinta adeegyada muwaadiniintooda.

Dhaqaalaha mashruucaan ku baxaya wuxuu ka kala imaanayaa $50 milyan oo ay bixinayso IDA ah iyo $ 62 milyan oo uu bixinayo Sanduuqa horumarinta Soomaaliya (SMPF).

Heshiiska mashruucaan waxaa horey uwada saxiixday Bangiga Adduunka iyo Wasaaradda Maaliyadda oo matalaysay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Kadib markii maanta mashruucaasi fulintiisa lagu kala saxiixday, Muqdisho ayaa raysal wasaare Kheyre si kedis ah usoo saaray amar lagu hakinayay mashruucaan Lamana sheegin ujeedada.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]