4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 18, 2020
Xisbiga mucaaradka Somaliland oo mar labaad ka dalbaday komishanka doorashooyinku in ay is casilaan

 

Sabti, Janaayo ,18,2020 (HOL )–Xisbiyada mucaaradka Somaliland ayaa guddida doorashooyinka ugu baaqay inay is casilaan mar hadddi aanay xisbiyadu garsoorkooda raali ka ahayn.

Sidoo kale, waxay madaxweynaha usoo jeediyeen inuu fuliyo go’aankii guddida dhexdhexaadinta ee uu la qaatay si ay doorashooyin dalka uga dhacaan.

Sidaas waxay ka sheegeen kulan ay maanta ku yeesheen xafiiskooda magaalada Hargeysa, waxaanay kaga hadlay dhawr arrimood.

Labada xisbi mucaarad waxa u hadlay hogaamiyaha xisbiga WADANI Xirsi Cali Xaaji Xasan, waxaanu yidhi “waxaanu mar labaad xubnaha komishanka doorashooyinka ugu baaqayna inay is casilaan, iyagoo danta qranka eegaya, mar haddii labadii xisbi mucaarad garsoorkiinii ogolayn, xisbiigi kalena aanu idin difaacin waxa qurux badan inaad is casishaan.”

Sidoo kale, guddidii dhexdhexaadinta ahaa waxay ka codsadeen inay hawsha halkii ka sii wadaan oo inta ka dhiman inay dhamaystiraan.

 

“Madaxweyne laba isku heli maysid hogaamiye umadeed inaad noqoto iyo inaad is tidhaahdo hebel ka aargooso ama hiirtaanyo qof ama cid u qabto istidhaahdo ku aargooso, madaxweyne xilku adigu ku saaran yahay , maalintii u dambaysay ee aanu ku nimid wax aad furfurtay iyo wax aad dhaqaajinaysay may muuqanin, madaxweyne go’aankii guddidu gaadhay ee aad tidhi waan fulinaya fuli.”ayuu yidhi Xirsi mar uu fariin u direyey madaxweyne Biixi

Mar uu ka hadlayey taageerayaasha labada xibsi waxa uu yidhi “Taageerayasha labada xisbi waxaan leeyahay isdajiya wali waxa noo socota tallo ururintii, inagoo wanaag ku dhamaysan karna xumaan ku raadi mayno, inta ka taxadiri karno ee aynu ka warwareegi karno inay colaad inala tagto waji fiican baynu ku raadinaynaa”.

Waa markii labaad ee xisbiyada mucaaradku guddida doorashooyinka usoo jeediyeen inay is casilaan.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.