4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 16, 2020
Madaxweynaha Puntland oo cafis u fidiyay odayaal xukun maxkamaddeed ku dhacay
 

Khamiis, Janaayo, 16. 2020 (HOL)- Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa cafis ufidiyey 5 xubnood oo dhowaan Xukun Maxkamadeed uu ku dhacay.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay inuu tixgaliyay Xaaladaha Caafimaad iyo Da’ahaaneed ee xukumanayaasha cafiska loo fidiyay.

Waa markii labaad oo cafis loo fidiyo qaar kamid ah maxaabiistaan oo loo xiray kadib markii uu maamulku eedeeyay inay faraha kula jireen arrimo siyaasadeed iyo qalqalin lid ku ah ammaanka Puntland.

Dadka la cafiyay ayaa lagu kala magacaabaa:

1.1. Muuse Cali Jaamac Ina Caasho Ciise 70 jir ah

1.2. Cabdullaahi Yuusuf Buuxe Ina Faadumo Shire 60jir ah

1.3. Cawad Ceel Maxamed 70 jir ah

1.4. Cabdicasiis Baydhabo Axmed Ina Shamis Siciid 47 jir ah

1.5. Maxamuud Aadan Rooble ina Mumino Maxamud 60 Jir ah.

Xafiiska xeer ilaalinta guud ee Puntland ayaa soo diyaariyay Codsiga Cafiska Maxaabiista Xukuman, kadibna madaxweynaha ayaa oggolaaday oo amray in lasii daayo maxaabiistaan.

Maxkamada darajada koowaad ee gobolka Bari, ayaa dhawaan odayaashaan ku xukuntay xabsiyo udhexeeyay saddex bilood illaa 2 sano.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]