3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 16, 2020
Khudbadaha musharixiinta u taagan xilka Guddoonka Baarlamaanka 2aad ee Galmudug oo maanta la dhageysanayo

 

Khamiis, Janaayo, 16. 2020 (HOL)-Xildhibaannada Baarlamaanka 2aad ee dowlad gobolleedka Galmudug ayaa maanta lagu waddaa in ay dhageystaan khudbadaha musharixiinta u taagan xilka Guudoonka.

Guddiga doorashada Guddoonka Baarlamaanka ayaa diiwaangaliyay 7 xubnood oo u taagan xilka Guddoonka Baarlamaanka waxaana xubnaha ku jira mas'uuliyiin horay xilal uga soo qabtay xukuumadihii dalka soo maray.

Musharixiinta u taagan xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa kala ah Xildhibaan Maxamed Nuur  Gacal, Xildhibaan Abdinaasir Aadan Cusmaan iyo Cabdullaahi Axmed Calasoow.

Sidoo kale Guddoomiye ku-xigeenka 1aad iyo 2aad ee Baarlamaanka  Galmudug ayaa waxaa u taagan Afar Musharax oo uu ka mid yihiin Faadumo  Cabdi Faandhe iyo guddoomiye kuxigeenkii hore ee labaad Maxamed Sheekh Axmed Maalin.

Ugu danbeyntii maalintii Barri ah oo Jimco ku beegan ayaa lagu wadaa in Magaalada  Dhuusa-mareeb lagu qabto doorashada Guddoonka  Baarlamaanka Galmudug, waxaana aad loo adkeeyey amniga magaalada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]



 

 

 

 

 













Click here
1/16/2020 10:34 AM EST
Khamiis, Janaayo, 16. 2020 (HOL)- Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa cafis ufidiyey 5 xubnood oo dhowaan Xukun Maxkamadeed uu ku dhacay.

1/16/2020 9:32 AM EST
Khamiis, Janaayo, 16. 2020 (HOL)- Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland ayaa ka hadlay socdaal uu maanta ku tagay magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari, halkaas oo uu ku qaabilay madaxweynaaha Puntland Siciid Deni.

1/16/2020 6:49 AM EST
Khamiis, Janaayo, 16, 2020 (HOL)-Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in howlgal xalay saqdii dhexe ay ka sameeyeen degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha hoose ku dileen madaxii Qaraxyada u qaabilsanaa Ururka Al-shabaab

1/16/2020 6:35 AM EST
Khamiis, Janaayo, 16, 2020 (HOL)-Kulanka Baarlamaanka Waddamada ku bahoobay Jaamacadda Carabta oo Shalayto lagu soo gaba-gabeeyay Magaalada Qaahira ee xarunta Dalka Masar ayaa laga soo saaray bayaan lagu taageerayo Dowladaha Soomaaliya iyo Suuriya.

1/16/2020 5:08 AM EST
Khamiis, Janaayo, 16. 2020 (HOL)- Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa maanta gaaray magaalada Bosaso, xilli uu halkaasi ku sugan yahay madaxweynaha Puntland, Siciid Deni.

1/16/2020 1:15 AM EST
Khamiis, Janaayo, 16, 2020 (HOL)- Xildhibaan Faarax Maxamed Dalmar oo katirsan barlamaanka Puntland, ayaa sheegay inuu ka badbaaday isku day lagu qaarajin lahaa.