3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 15, 2020
Ergayga Qaramada Midoobay ee bariga Afrika oo ka hadlay socdaal uu ku tagay Muqdisho


Arbaco, Janaayo, 15, 2020 (HOL)- Ergayga ugu sarreeya Qaramada Midoobay ee Geeska Afrika ayaa booqday Soomaaliya isagoo rajo ka muujiyay horumarka dalka maadaama ay Soomaaliya sannad muhiim ah u tahay 2020.

Sarkaalka UN-ka ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay ku sugnaa caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, halkaas oo uu kula kulmay wakiillo kala duwan oo heer qaran ah iyo kuwo caalami ah, waxaana uu kala hadlay amniga gobolka, doorashooyinka, horumarka, gargaarka iyo arrimo kale.

Kulamada Mr. Onanga-Anyanga waxaa ka mid ahaa kulan uu la yeeshay Wakiilka Gaarka ah ee Soomaaliya u qaabilsan Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadan, Balal Mohamed Usman, kuwaas oo uu kala hadlay muhiimadda wada hadalku u leeyahay nabadda iyo barwaaqada gobolka.

Wuxuu la kulmay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka, Xaliima Ibraahim, waxayna ka wada-hadleen qaar ka mid ah caqabadaha iyo fursadaha la xiriira kalsoonida iyo hufnaanta doorashada soo socota ee dalka, ('hal-qof, hal cod')

Ergeyga Gaarka ah ayaa yiri "Doorashooyinku waxay noqon karaan geedi socod dib-u-heshiisiin qaran laakiin waxay sidoo kale horseedi karaan khilaafaadka, sidaa darteedna howlaha doorashada waa inay taageeraan Qaramada Midoobay", ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah.

Mr. Onanga-Anyanga wuxuu sidoo kale la hadlay wakiilo ka socda ururada bulshada rayidka ah ee Soomaaliyeed, isaga oo tilmaamay muhiimadda ay leedahay ka qeybgalka siyaasadeed ee loo dhan yahay iyo doorka macnaha leh ee haweenka iyo dhalinyarada ay ka ciyaarayaan howshan.

“Waxaan u tagey magaalada Muqdisho anigoo dareemaya rajo ay ku dheehantahay awooda dadka iyo dowladdooda si ay uga gudbaan caqabadaha hada jira.” Ergeyga Gaarka ah ayaa yiri.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
1/15/2020 2:39 PM EST
Arbaco, Janaayo, 15, 2020 (HOL)- Khilaaf ayaa ka dhashay xil ka qaadis lagu sameeyay guddoomiyihii bankiga Puntland, Cabdi Ismaaciil Boos, kadib markii madaxweyne Deni uu xilkaas u magacaabay guddoomiye cusub oo lagu magacaabo Abdirisaaq Warsame Seeraar.

1/15/2020 10:43 AM EST
Arbaco, Janaayo, 15, 2020 (HOL)- Raiisel wasaaraha Russia Dmitry Medvedev ayaa ku dhawaaqay in dowladda oo dhami ay is casishay.

1/15/2020 10:37 AM EST
Arbaco, Janaayo, 15, 2020 (HOL)-Xeer ilaalinta guud ee Somaliland ayaa sheegtay in saaka lix gacan ku dhiigle lagu fuliyey qisaas ka dib markii ay ku cadaatay dilka ay gaysteen

1/15/2020 4:33 AM EST
Arbaco, Janaayo, 15, 2020 (HOL)-Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay adkeyneyso Amaanka Macalimiinta Gobolka Waqooyi Barri kaddib markii ay bartilmaameed u noqdeen xoogagga Ururka Al-shabaab

1/15/2020 4:17 AM EST
Arbaco, Janaayo, 15, 2020 (HOL)- Shirka iskaashiga iyo adkaynta nabad galiyada xuduudaha dowlad degaanka Soomaalida Ethiopia iyo dawlad gobaleedka Puntland ee Soomaaliyeed ayaa saakay ka furmay magaalada Wardheer ee xarunta gobalka Doollo.

1/15/2020 3:38 AM EST
Arbaco, Janaayo, 15, 2020 (HOL)- Somaliland ayaa lagu wadaa inay dib u bilowdo dhoofinta xoolaha ee Imaaraadka Carabta toddobaadkan, sida lagu daabacay waregyska busiweek ee kasoo baxa Uganda.

1/15/2020 12:17 AM EST
Arbaco, Janaayo, 15, 2020 (HOL)-Guddoomiyaha DDegmada Gaalkacyo ee dowlad gobolleedka Galmudug Xirsi Yuusuf Barre ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay islamarkaana iska diiday xil ka qaadis uu xalay ku sameeyay madaxweynaha dowlad gobolleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.