4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 14, 2020
Xukuumada Somaliland oo hirgalisay adeegga E-shiling oo mushaharka shaqaalaha lagu bixin doonno


Talaado, Janaayo, 14. 2020 (HOL)–Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa si rasmi ah u daah-furay adeega E-shilling, kaasoo sahlaya in shaqaalaha dawladdu mushaharooyinkooda ku qaataan qaab Electronic ah ama Online ah.

Bangiga dhexe ee Somaliland oo isagu hindisay mashruucan ayaa sheegay in barnaamijkani wax badan ka qaban karro adeega islaxisaabtanka iyo hufnaanta, islamrkaana ay fursad u tahay shaqaalaha dawladda ee jooga goboladda dalka oo hal mar ay wada gaadhi doonto mushaharkoodu.

Gudoomiyaha hay’adda shaqaalaha Somaliland Farxaan Haybe ayaa sheegay in adeegani meesha ka saarayo shaqaalihii caaglaha ah, iyo lacagtii shaqaalaha looga jari jirey soo qaaditaanka,waxaanu yidhi “Waxa barnaamijkani lagu bixinayaa mushaharka Shaqaalaha dawlada iyadoo toos qof kastaa ugu helayo mobilekiisa mushaharka bil kasta oo aan meel kale loo soo marin. E-Shilling wuxuu xoojinayaa habka maamul wanaaga iyo isla xisaabtanka, waxuu meesha ka saarayaa Shaqaalaha caaglaha ( ghost workers), waxuu yaraynayaa lumistii mushaharka Shaqaalaha ee la gacan bidixaynayay, waxuu siinayaa Shaqaalaha dawladu inay toos baananka dalka ( Banka SL, Premier Bank,Salaama Bank iyo Dahabshiil Bank) midka ay doonaan lacag ka amaahan karaan oo loo maalgeliyo hadba wax u dhigma mushaharka ay qaataan oo hafto looga jari karo bil kasta.”

“Barnaamijkan waxa iska kaashaday Baanka dhexe, shirkadaha isgaadhsiinta ee TELESOM iyo Dahabshiil, waana garbaha uu ku duulayo barnaamijkani, dhamaaan shaqaalaha oo dhan waxa xisaabaad looga furayaa Baanka dhexe, lacagta E-shilingka marka shaqaalaha mushaharkooda loogu soo shubo waxa uu suuqa kaga iibsanaya Zaad iyo Edahab oo uu lacagtiisa ku bedelanayaa, waxaanu mushaharka qofku ku helaya goobtii uu joogay ayaa loogu soo dirayaa, waxaana meesha ka baxayaa dad faro badan oo loo yaqaanay Caagle,”ayuu yidhi gudoomiyaha Baanka dhexe Ibraahim Baqdaadi.

Sidoo kale, waxa goobta ka hadlay wasiirka Maaliyadda, gudoomiyaha rugta ganacsiga, shirkadaha Dahabshiil iyo Telesom oo bogaadiyey adeegan cusub ee loo soo kordhiyey shaqaalaha dawladda.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan Saylici oo isna halkaasi ka hadlay ayaa bogaadiyey dadkii ka qaybgallay fulinta barnaamijkan.

“in nidaamkii online ee loo guurey inay xukuumaduna u guurto waa talaabo wanaagsan, waaana hambalyeynaya masuuliyiinta Baanka dhexe, wasaarada Maaliyada iyo hay’adda shaqaalaha”ayuu yidhi Saylici.

Nidaamkan ayaa meesha ka saaraya musuqmaasuq ka jiray mushaharka shaqaalaha iyo shaqaale aan jirin oo lacag lagu qaadan jiray.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland