3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 13, 2020
Weerar ka dhacay Gaarisa oo macalimiin lagu dilay

 

Isniin, Janaayo, 13, 2020 (HOL)-Dowladda Kenya ayaa sheegtay in xoogag lagu tuhusan yahay in ay ka tirsan yihiin Ururka Al-shabaab toogasho ku dileen saddex Macalin degmada Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Al-shabaab ayaa dhankooda war ay soo saarteen ku sheegtay mas'uuliyada weerarka lagu dilay saddexda Macalin.

Warbixin ay soo saareen Booliiska Kenya ayaa lagu sheegay in saddexda macallin ee la dilay aysan  deganeyn gobolka.

Al-Shabaab ayaa bayaan ay soo saareen Arbacadii ayaa sheegay in Kenya marnaba amaan noqon doonin ayaga oo u hanjabay dalxiisayaasha  iyo danaha Mareykanka ee dalkaas.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]   

 
 













Click here
1/13/2020 7:29 AM EST
Isniin, Janaayo, 13, 2020 (HOL)-Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa la wareegay gacan ku heynta deegaanka Tooratooroow oo ah saldhiggii ugu weynaa Ururka Al-shabaab

1/13/2020 6:24 AM EST
Isniin, Janaayo, 13, 2020 (HOL)-Xisbiyada mucaaradka Somaliland ayaa sheegay in madxweyne Biixi diiday in uu kala diro guddida cusub ee doorashooyinka oo lagu balansanaa in la kala diro oo dib loo soo celiyo gudidii hore ee xilku ka dhamaaday.

1/13/2020 5:49 AM EST
Isniin, Janaayo, 13, 2020 (HOL)- Al-shabaab ayaa dilay 3 macallimiin dugsi hoose ah iyo dhaawaca hal arday, kadib markii ay weerar ku qaadeen tuulada Kamuthe, oo ka tirsan gobolka Gaarisa abbaara labadii habeenimo ee xalay.

1/13/2020 5:07 AM EST
Isniin, Janaayo, 13, 2020 (HOL)- Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Midowga Yurub ayaa ku kala saxiixday magaalada Muqdisho heshiis ku saabsan heerka howlgalka Midawga Yurub ee Awoodda Dhismaha Soomaaliya (EUCAP Somalia).

1/13/2020 3:27 AM EST
Isniin, Janaayo, 13, 2020 (HOL)-Madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa saakay u anbabaxay dalka Cumaan isaga oo halkaa lagu waddo in uu uga qeybgalo Tacsida Qaran ee Saldanada Cummaan

1/13/2020 1:20 AM EST
Isniin, Janaayo, 13, 2020 (HOL)- Ururka Al-shabaab ayaa goob fagaaro ah deegaanka Sablaale ee gobolka Shabeellaha Hoose waxaa ay ku toogeen Afarx ruux oo ay ku eedeeyeen in ay la shaqeynayeen dowladda Soomaaliya.

1/13/2020 12:13 AM EST
Isniin, Janaayo, 13, 2020 (HOL)- Donald Trump ayaa dib u soo cusbooneysiiyay hanjabaadiisa ku aadan in uu si qasab ah shidaalka uga xadayo Syria, waana tilaabo ay khubaradu sheegeen in ay noqon karto dambi dagaal.