3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 13, 2020
Al-shabaab oo macallimiin ku laayay gobolka Gaarisa ee dalka Kenya
 

Isniin, Janaayo, 13, 2020 (HOL)- Al-shabaab ayaa dilay 3 macallimiin dugsi hoose ah iyo dhaawaca hal arday, kadib markii ay weerar ku qaadeen  tuulada  Kamuthe, oo ka tirsan gobolka Gaarisa abbaara labadii habeenimo ee xalay.

Al-shabaab waxay sidoo kale burburiyeen anteeno isgaarsiineed oo ay leedahay shirkadda Safricom intii uu socday weerarka.

Sida boolisku sheegay, dableydu waxay weerareen Xarunta Kheyraadka Kamuthe, halkaas oo ay ku dileen seddexda macallin.

Macallimiin dheddig ah iyo kalkaaliyeyaal caafimaad oo ka tirsan machadka ayaa la sheegay inay ka badbaadeen toogashada ka dib markii ay aqoonsadeen kooxda wax weerartay.

Dhanka kale, booliska ayaa durbadiiba gaaray, iyagoo halkaas ka wada baaritaanka kuwa weerarka soo qaaday.

Horantii bishaan, Al-shabab waxay weerareen xero militari oo ku taal Lamu, halkaas oo lagu dilay 3 Mareykan ah.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
1/13/2020 12:09 PM EST
Isniin, Janaayo, 13, 2020 (HOL)-Dowladda Kenya ayaa sheegtay in xoogag lagu tuhusan yahay in ay ka tirsan yihiin Ururka Al-shabaab toogasho ku dileen saddex Macalin degmada Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari Kenya

1/13/2020 7:29 AM EST
Isniin, Janaayo, 13, 2020 (HOL)-Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa la wareegay gacan ku heynta deegaanka Tooratooroow oo ah saldhiggii ugu weynaa Ururka Al-shabaab

1/13/2020 6:24 AM EST
Isniin, Janaayo, 13, 2020 (HOL)-Xisbiyada mucaaradka Somaliland ayaa sheegay in madxweyne Biixi diiday in uu kala diro guddida cusub ee doorashooyinka oo lagu balansanaa in la kala diro oo dib loo soo celiyo gudidii hore ee xilku ka dhamaaday.

1/13/2020 5:07 AM EST
Isniin, Janaayo, 13, 2020 (HOL)- Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Midowga Yurub ayaa ku kala saxiixday magaalada Muqdisho heshiis ku saabsan heerka howlgalka Midawga Yurub ee Awoodda Dhismaha Soomaaliya (EUCAP Somalia).

1/13/2020 3:27 AM EST
Isniin, Janaayo, 13, 2020 (HOL)-Madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa saakay u anbabaxay dalka Cumaan isaga oo halkaa lagu waddo in uu uga qeybgalo Tacsida Qaran ee Saldanada Cummaan

1/13/2020 1:20 AM EST
Isniin, Janaayo, 13, 2020 (HOL)- Ururka Al-shabaab ayaa goob fagaaro ah deegaanka Sablaale ee gobolka Shabeellaha Hoose waxaa ay ku toogeen Afarx ruux oo ay ku eedeeyeen in ay la shaqeynayeen dowladda Soomaaliya.

1/13/2020 12:13 AM EST
Isniin, Janaayo, 13, 2020 (HOL)- Donald Trump ayaa dib u soo cusbooneysiiyay hanjabaadiisa ku aadan in uu si qasab ah shidaalka uga xadayo Syria, waana tilaabo ay khubaradu sheegeen in ay noqon karto dambi dagaal.