3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 13, 2020
Soomaaliya iyo Midowga Yurub oo kala saxiixday heshiis ku saabsan xoojinta amniga badaha Soomaaliya
 

Isniin, Janaayo, 13, 2020 (HOL)- Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Midowga Yurub ayaa ku kala saxiixday magaalada Muqdisho heshiis ku saabsan heerka howlgalka Midawga Yurub ee Awoodda Dhismaha Soomaaliya (EUCAP Somalia).

Heshiiska waxaa kala saxeexday Wasiirka Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, H.E. Amb. Ahmed Isse Awad, iyo Danjiraha Wakiilka Midowga Yurub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Nicolás Berlanga Martinez.

Qaab-dhismeedka heshiiska ayaa qeexaya habka iyo wada shaqeynta u dhexeysa Midowga Yurub iyo Soomaaliya, iyadoo la waafajinayo ahmiyadaha amniga iyo qorshayaasha xasiloonida si loo horumariyo awooda amniga badaha Soomaaliya.

Wasiirka Arimaha Dibadda iyo Danjiraha EU-da ee ku sugan magaalada Muqdisho waxay tilmaameen hormarinta xiriirka iskaashi ee ka dhexeeya labada dhinac inuu yahay mid wanaagsan oo lagu qanco laguna gaari karo himilooyinka la doonayo.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
1/13/2020 12:09 PM EST
Isniin, Janaayo, 13, 2020 (HOL)-Dowladda Kenya ayaa sheegtay in xoogag lagu tuhusan yahay in ay ka tirsan yihiin Ururka Al-shabaab toogasho ku dileen saddex Macalin degmada Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari Kenya

1/13/2020 7:29 AM EST
Isniin, Janaayo, 13, 2020 (HOL)-Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa la wareegay gacan ku heynta deegaanka Tooratooroow oo ah saldhiggii ugu weynaa Ururka Al-shabaab

1/13/2020 6:24 AM EST
Isniin, Janaayo, 13, 2020 (HOL)-Xisbiyada mucaaradka Somaliland ayaa sheegay in madxweyne Biixi diiday in uu kala diro guddida cusub ee doorashooyinka oo lagu balansanaa in la kala diro oo dib loo soo celiyo gudidii hore ee xilku ka dhamaaday.

1/13/2020 5:49 AM EST
Isniin, Janaayo, 13, 2020 (HOL)- Al-shabaab ayaa dilay 3 macallimiin dugsi hoose ah iyo dhaawaca hal arday, kadib markii ay weerar ku qaadeen tuulada Kamuthe, oo ka tirsan gobolka Gaarisa abbaara labadii habeenimo ee xalay.

1/13/2020 3:27 AM EST
Isniin, Janaayo, 13, 2020 (HOL)-Madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa saakay u anbabaxay dalka Cumaan isaga oo halkaa lagu waddo in uu uga qeybgalo Tacsida Qaran ee Saldanada Cummaan

1/13/2020 1:20 AM EST
Isniin, Janaayo, 13, 2020 (HOL)- Ururka Al-shabaab ayaa goob fagaaro ah deegaanka Sablaale ee gobolka Shabeellaha Hoose waxaa ay ku toogeen Afarx ruux oo ay ku eedeeyeen in ay la shaqeynayeen dowladda Soomaaliya.

1/13/2020 12:13 AM EST
Isniin, Janaayo, 13, 2020 (HOL)- Donald Trump ayaa dib u soo cusbooneysiiyay hanjabaadiisa ku aadan in uu si qasab ah shidaalka uga xadayo Syria, waana tilaabo ay khubaradu sheegeen in ay noqon karto dambi dagaal.