Taliska Mareykanka ee AFRICOM oo ka hadlay duqeyn ka dhacday gobolka Jubbada Hoose
Axad, Feberaayo, 09, 2020 (HOL)-Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa ayaa sheegay in laba duqeyn oo ay Khamiistii la soo dhaafay la beegsadeen dhismo ay Al-Shabab ku leeyihiin meel ku dhow deegaanka Jilib ee gobolka Jubada Dhexe ay ku dhaawaceen laba ka mid ah Xoogagga Al-Shabab ee halkaa ku sugnaa.
“Duqeymaha noocan ah, waa kuwo aan gacan uga geysanno ka hor tagista
in Al-Shabab ay sameystaan meelo gabbaad u ah oo ay ka soo abaabulaan
weeraro dhimasho dhaliya oo ka dhan ah Mareykanka iyo saaxibadiisa
Bariga Africa,” sidaasina waxa qoraalka AFRICOM ku yiri Gen. Bradford
Gering, oo ah ku xigeenka Agaasimaha Howlgalada ee Taliksa Milatariga
Mareykanka ee Africa.
Qoraalka ayaa lagu sheegay in qiimeynta weerarkaasi ee uu Mareykanku
ilaa iyo hadda sameeyay ay muujineyso in saldhigaasi ay Al-Shabaab
lahaayeen la burburiyay, laba ka mid ah maleeshiyadii halkaa ku sugnaana
ay dhaawacmeen.
Qoraalku waxa uu intaasi ku daray in ilaa iyo hadda aysan jirin cid rayid ah oo weerarkaasi wax ku noqotay.
Mareykanka ayaa duqeymo cirka ah si joogta ah uga fuliya Soomaaliya
iyagoo la beegsada maleeshiyada Al-Shabaab ee inta badan ku sugan
gobolada jubbooyinka, shabeelooyinka iyo meelo ka mid ah gobolada dhexe,
Baay iyo Bakool.
Waxaa kaloo ay duqeymo la beegsadaan maleeshiyada Daacish ee ku dhuumaaleysta buuraleyda Gobolka Bari ee Puntland.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]