Sabti, Feberaayo,29,2020 (HOL)- Macallin Maxamuud sh, Xasan oo ah hoggaamiyaha Ahlusuna ayaa faah-faahin ka bixiyey tanaasulkii ay ku dhawaaqeen, kadib markii looga awood roonaaday hardankii uu dhiiggu ku daatay ee ay kula jireen dowladda federalka Soomaaliya.
Muuqaal lagasoo duubay ayuu ku sheegay in ay ka tanaasuleen wax kasta marka laga reebo mowqifka Ahlusuna oo uu caddeeyay inuu sii jiridoono.
“Waxaan istusnay inaan u tanaasulno ummadda Soomaaliyeed islamarkaana aan qeyb ka noqonin dhibaatadeeda. Waxaan doonaynaynay in si wanaagsan wax loo qeybsado Markii aan aragnay in aysan shaqeynayn oo dadkii lalaynayo, waxaan go’aansanay inaan qeyb ka ahaan dagaalka nuucaas ah,” ayuu yidhi Macallin Maxamuud.
Macallin Maxamuud waxaa uu sheegay magaca Ahlusuna inuu taagnaandoono oo aysan ka tanaasulidoono mowqifkooda xagga dinta, balse hadalkiisa ayaa u muuqday inay ka tanaasuleen arrimihii siyaasadeed ee Galmudug.
Hoggaamiyayasha Ahlusuna ayaa hadda ku jira gacanta dowladda federalka, waxaana loo wareejiyay dhinaca magaalada Muqdisho halkaas oo la filayo inay ku qaabilaan madaxda dowladda federalka Soomaaliya oo ah halka uu kaga yimdi culayska ku sababay inay muujiyaan tanaasulka, kadib rabashadihii ka dhacay Galgaduud.