Jimco, Feberaayo, 28,, 2020 (HOL)-Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa saxiixey heshiis ku saabsan wanaajinta iyo dub-u-soo laabashada Soomaaliya ee Wadashaqeyntii tooska aheyd ee Bangiga Aduunka.
Kulanka heshiiska oo ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa ah mid dib loogu soo celinayo xiriirkii wanaagsanaa ee ka dhaxeyey 30 sano kadib dowladda Soomaaliya iyo Bangiga Adduunka.
“Maalintaan taariikhiga ah waxay muhiim u tahay Soomaliya iyo Bangiga Aduunka, waayo 30-Sano iyo dadaal badan kadib Soomaaliya waxay si rasmi ah uga faa’ideysan doontaa Deeqaha iyo Mashaariicda horumarinta Bangigu uu bixiyo ayuu yiri” Wasiir Beyle.
Sidoo kale waxaa hadalkiisa uu intaasi ku daray Wasiirka in Wadadii dheereyd ee isbadalka Maaliyadda iyo dhaqaalaha uusan halkaan ku ekaan doonin,hayeeshee maanta uu yahay biloow wanaagsan oo qof walba oo Soomaali ah uu ku farxi karo balse aysan is dhigan doonin ilaa laga gaaro isku filnaasho buuxda.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online[email protected]