Khamiis, Feberaayo,27, 2020 (HOL)- Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa qaadatay talaabada aan horay loo arag oo ah inay ka mamnuucdo xujeyda ajnabiga ah inay soo galaan dalkeeda shan bilood kahor xajka.
Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa ku dhawaaqday xayiraada Khamiista maanta kadib markii la xaqiijiyay 240 kiis oo ka dhacay Bariga Dhexe, oo badankood ah Iran.
Maamulka magaalada Riyad ayaa sheegay in xayiraadda ay tahay mid ku meel gaar ah, laakiin ma aysan sheegin inta ay qaadan karto.
Wadanka Sacuudiga wali ma uusan soo sheegin kiis fayras ah.
Illaa iyo hadda, fayrasku wuxuu dilay ku dhawaad 3,000 oo qof wuxuuna cudurku ku dhacay inka badan 82,000, taasoo dhalisay digniino ku saabsan in adduunku si dhaqso leh ugu faafayo.
Sacuudigu wuxuu kaloo intaas ku daray in fiisayaasha dalxiiska loo joojinayo gaar ahaan kuwa ka imaanaya waddamada uu ku faafaya coronavirus-ka, waxayna ku boorrisay muwaadiniinta Sucuudiga inaysan u safrin dalalka uu cudurku ku fiday.
Ma jirin wax caddayn ah oo ku saabsan sida tallaabadani ay u saameyn doonto xajka sannadlaha ah oo ku beegan dhammaadka Luulyo.