Talaado, Feberaayo, 18, 2020 (HOL)-War ka soo baxay taliska ciidamada Mareykanka ee Africom ayaa looga hadlay duqeyn ay ka fuliyeen degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe oo ay maamulaaan xoogagga Ururka Al-shabaab.
Warka ka soo baxay taliks ayaa lagu sheegay in duqeynta ay iska kaashadeen ciidamada Maraykanka iyo ciidamada dowlada Soomaaliya haatana la qiimaynayo in waxyeelo ka soo gaartay duqeyntan dad rayid ah.
Dhawaan ayaa waxaa duqeyn ay ciidamada Maraykanka ka geysteen duleedka magaalada Jilib waxaa waxyeelo isugu jirtey dhimasho iyo dhaawacba ay ka soo gaareen qoys Soomaali ah.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca dowladda Soomaaliya ama maamulka Jubbaland oo la xiriira duqeyntan ugu danbeysay oo ay ciidamada Mareykanku ka fuliyeen Jubbada Dhexe.