Gudoomiyaha Guurtidda“hadii uu Farmaajo soo raaco Abiy dili mayno laakiin madaxweyne uma ictiraafsanin''
Axad, Febraayo 16, 2020 (HOL )– Gudoomiyaha golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa sheegay in Ra’isal wasaaraha Itoobiya in badan ku celceliyey inuu Hargeysa imanayo isagoo uu la socdo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo, taas oo dawladda Somaliland diidan tahay.
Saleebaan Maxamuud Aadana ayaa xusay in madaxweyne Biixi mar walba ku
celinayey inaanu madaxweyne Farmaajo soo raacin, haseyeeshee si kasta oo loogu
sheegay kama quusan ee waxa uu doonaya inay isa soo raacan.
“Madax banaanideena waxa ku fadhiya waa Soomaaliya iyo dawladaha
carbeed, Raisal wasaaraha Itoobiya ayaa sheegay inay isa soo raacayaan
madaxweynaha Soomaaliya, madaxweynuhu wuu u sheegay in aanu imanin hadii uu la
socdo madaxweynaha Soomaaliya oo kun jeer buu u sheegay in aan la soo
dhoweynayn hadii uu yimaado, markii madaxweynuhu soo noqday hadana waxa uu soo
faray wasiirka arrimaha dibadda Somaliland waan imanaya Hargeysa anaga oo wada
soconna, waxaanu leenahay Abiy ha noo keenin, Farmaajana waxaan leenahay ha noo
iman, laakiin hadii isago oo xambaarsan yimaado maxaynu yeelaynaa, dee midna
waynu soo dhoweyni midna soo dhoweyn mayno, ilayn inaga daaya uun baynu
haynaaye, hadii uu la yimaado dili mayno laakiin madaxweyne uma ictiraafsanin
ee nin soomaaliyeed oo Abiy la socda uun ha noqdo.”ayuu yidhi gudoomiyaha
Guurtidda Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan.
Gudoomiye Saleebaan ayaa sheegay in Ra’isal wasaaraha Itoobiya ku dhegan
yahay inuu soo raaco madaxweynaha Soomaaliya, taas oo xukuumaddu dhawr jeer ku
celcelisay in aanay raali ka ahayn imaanshihiisa.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.