Wasiirro ka tirsan DFS iyo Dowlad Goboleedyada oo Shir ku leh magaalada Muqdisho
Axad, Feberaayo, 16, 2020 (HOL)-Shir ay soo qaban qaabiyeen wasaaradda Howlaha guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,isla markaana ay ka qeybgalayaan Wasaraddaasi iyo Wasaaradaha Hawlaha Guud ee maamul goboleedyada dalka ayaa maalintii labaad ka socda magaalada Muqdisho.
Shirkaasi oo sidoo kale ay ka qeybgalayaan Hay’adda UNOPS,waxaa looga
wada tashanayey mashruuca tayaynta Shaqaalaha Wasaaradaha Hawlaha Guud
SSIWPP,Waxaana ka qaybgalay Madaxda Wasaaradda Hawlaha Guud, Wasiirada
Hawlaha Guud ee Maamul goboleedyada dalka, iyo Xubno kasocday UNOPS ee
Qaramada midoobey ee dhinaca mashaariicda.
Wasiir ku-xigeenka Howlaha guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya
Jamaal Xasan Cismaan oo hadal ka jeedinayay furitaanka shirkaasi ayaa
sheegay in wasaaradaha Howlaha guud ee heer Federaal iyo heer Dowlada
gobaleed ay wadashaqeyn buuxda ay ka dhexeyso,wuxuuna intaasi ku daray
in shaqooyin badan ay si wada jir ah u soo qabteen,ayna ku guuleysteen.
Inta uu socdo shirkan ayaa diiradda lagu sari doonaa sare u qaadista
heerka aqooneed ee shaqaalaha wasaaradda Howlaha guud ee DFS iyo kuwa
dowlad gobaleedyada,waxaana hadafka ugu weyn uu yahay in shaqaalaha ay
noqdaan kuwo khibrad iyo aqoon durugsan u leh adeegyada ay qarankooda u
qabanayaan.
Axmed Nuur Sheekh Maxamed oo ah Wasiirka Howlaha guud ee Koonfur Galbeed oo ku hadlay magic dowlad gobaleedyada ayaa ku ammaanay Madaxda Wasaaradda hawlaha guud iyo dib u dhiska xukuumadda Soomaaliya wadashaqeynta ay la leedahay wasaaradaha kale ee heer dowlad gobaleed.
Shirkan ayaa socon doona muddo laba maalmood ah waxaa ugu dambayn
laga soo saari doonaa war murtiyeed ku saabsan ahmiyadda shirkan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]