3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 12, 2020
Wasiir Farotoon“Madaxweyne Biixi iyo madaxweyne Farmaajo xafiiska Ra’isal wasaaraha Itoobiya ayey ku kulmeen”

 

Arbaco, Febraayo 12, 2020 (HOL )– Weftigii madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ee ku maqnaa dalka Itoobiya ayaa galabta dib ugu soo noqday magaalada Hargeysa.

Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Yaasiin Farotoon ayaa ka warbixiyey madaxdii ay la kulmeen iyo kulankii dhexmaray madaxweynaha Somaliland iyo madaxweynaha Soomaaliya.

Wasiir Farotoon ayaa sheegay in weftiga madaxweynuhu ka faa’iidaysanayeen madaxdii Afrika iyo caalamka ee shirka Afrika ka soo qaybgalli si qadiyada Somaliland loo gaadhsiiyo, waxaanu tilmaamay in gaargaar ula kulmeen madax badan.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in kulankii madaxweyne Biixi iyo madaxweyne Farmaajo ka dhacay xafiiska Ra’isal wasaaraha Itoobiya, haseyeeshee ma faahfaahin qaabka kulanku u dhacay iyo sababta war-murtiyeed looga soo saari waayey.

“Shirka Afrika ee sanadkiiba mar lagu qabto Addis waxa markii hore tagay aniga, shakhsiyaad reer Somaliland ah iyo safaarada Somaliland, markii dambe waxa lagama maarmaan noqon wayday in madaxweynuhu yimaado, markii aan la soo hadlay ka dibna wuxuu yimid magaaladda Adis, waxaanay kulmeen madax badan oo Afrika iyo beesha caalamka iskugu jira, taas oo si meeqaam sare ah loogu soo dhoweeyey”ayuu yidhi wasiir Farotoon.

Wasiirka ayaa kulankii labadda madaxweyne ku kooban inay xafiiska Ra’isal wasaaraha Itoobiya kulmeen, waxaanu yidhi “Madaxweyne Biixi iyo madaxweyne Farmaajo xafiiska Ra’isal wasaaraha Itoobiya ayey ku kulmeen, madashaasi waxay ahayd meel madaxdii afrika oo dhami ay imanaysay oo lagu marti qaadayey markii uu shirkii dhamaaaday, madaxduna way isa sii salaamayeen waana la isa sii arkayey sidaas buu madaxweyne Biixi ku tagay Farmaajana ku yimid ka dibna ay isku arkeen .”

Inkastoo aanu faahfaahin waxay ka wada hadleen labada madaxweyne, heyeesheee sida wararka ku helayno waxa kulan labadda madaxweyne waday Ra’isal wasaaraha Itoobiya, waxaase wararku sheegayaan inuu la kulankaasi diidana madaxweyne Biixi, markii uu aqballayna waxa uu dalbaday in labadooda oo kaliya is arkaan oo mid waliba weftigii aanu ka soo qaybgallay kulamadoodda.

Kulankani wuxuu noqonaya kii ugu horeeyey ee si toos ah isku soo horfadhiistaan madaxweyne Biixi iyo madaxweyne Farmaajo tan iyo intii ay hogaanka u qabteen labadda dhinac, waxaana istaagay wada hadalkii u dhexeeyey Somaliland iyo Soomaaliya mudadii ay xilka hayeen.

Dad badan ayaa is waydinaya sababta qarsoodi looga dhigay ee kulankooda saxaafadu uga qaybgali wayday, maadaama oo madaxweyneyaashii ka horeeyey Biixi iyo Farmaajaba si toos ah wararka looga soo tabin jirey.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.

 













Click here
2/12/2020 9:56 AM EST
Arbaco, Feberaayo, 12, 2020 (HOL)-Dagaal u dhexeeya ciidamada Jubbaland iyo ciidamo taabacsan Cabdinaasir Seeraar oo sheegta inuu yahay madaxweynaha Jubbaland ayaa ka socda magaalada Kismaayo ee caasimadda kumeel gaarka ah ee Jubbaland.

2/12/2020 9:51 AM EST
Arbaco, Feberaayo, 12, 2020 (HOL)-Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in toddobaadkan ay dib u bilaawday taageeraddii milatari ee ay siin jirtay ciidmada dowladda Soomaaliya.

2/12/2020 7:08 AM EST
Arbaco, Feberaayo, 12, 2020 (HOL)-Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo qeybo ka mid ah magaalada Kismaayo ku dhaxmaray ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Jubbaland iyo ciidamo daacad u ah Cabdinaasir Seeraar oo horay u sheegtay in uu yahay madaxweynaha Jubbaland.

2/12/2020 4:47 AM EST
Arbaco, Feberaayo, 12, 2020 (HOL)- Saraakiisha gaashaandhigga Mareykanka iyo sirdoonka ayaa ka dhawaajiyay walaac cusub oo ku saabsan faafitaanka kooxaha argagixisada ee kusii faafaya qaaradda Afrika, iyagoo ka digaya in qaar ay noqdeen kuwa awood badan oo aan suurtagal ahayn in la dhayalsado qatartooda.

2/12/2020 4:32 AM EST
Arbaco, Feberaayo, 12, 2020 (HOL)-Kulan Wadatashi ah oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Dastuurka ee XFS loogana hadlayo Maqaamka Muqdisho ayaa ka furmay yo kaalinta kaga aadan dib-u-eegista Dastuurka Qaranka ayaa ka furmay magaalada Muqdisho

2/12/2020 2:05 AM EST
Arbaco, Feberaayo, 12, 2020 (HOL)- Wararka ka imanaya gobolka Gedo ee Koonfurta dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in wali qeybo badan oo ka mid ah gobolka ay ka taagan yihiin dhaqdhaqaaqyo militari oo iska soo horjeeda.

2/12/2020 1:07 AM EST
Arbaco, Feberaayo, 12, 2020 (HOL)-Maanta ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho uu ka furmo Shir Sanadeedka Garsoorka dalka oo sanad walba oo maanta kale la qabto