4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 12, 2020
Faah faahin '' Dagaal ka dhacay maanta magaalada Kismaayo

 

Arbaco, Feberaayo, 12, 2020 (HOL)-Dagaal u dhexeeya ciidamada Jubbaland iyo ciidamo taabacsan Cabdinaasir Seeraar oo sheegta inuu yahay madaxweynaha Jubbaland ayaa ka socda magaalada Kismaayo ee caasimadda kumeel gaarka ah ee Jubbaland.

Wararka Hiiraan Online helayso ayaa sheegaya in dagaalkaan uu bilowday kadib markii ciidamada Jubbaland ay rasaas ku kala eryeen dibadbaxayaal taageersanaa Cabdinaasir Seeraar, kadibna halkaasi waxaa ka biloway dagaal toos ah oo u dhexeeya ciidamada jubbaland iyo kuwa Seeraar.

Warar aan weli si dhab ah loo xaqiijin waxay sheegayaan in ciiddanka Jubbaland ay wearareen saldhiga ciiidanka Cabdinaasir Seeraar, halkaas oo lagusoo waramayo inuu haatan dagaalku ka socdo.

Waxaa uu dagaalkaan kusoo beegmay, iyadoo saakay Magaalada Kismaayo Kismaayo ahayd Bandow laguna waday inay halkaas tagaan safiirka Maraykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoota iyo taliyaha ciiddanka Maraykanka Afrika ee (Africom)

Illaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkaan, waxaana uu dagaalku ka socdaa dhinaca waqooyi ee magaalada, halkaas oo ay ka dhowdahay xarunta madaxtooyada Jubbaland.

Wixii faahfaahin kala soco Hiraan Online.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]