Faah faahin '' Dagaal ka dhacay maanta magaalada Kismaayo
Arbaco, Feberaayo, 12, 2020 (HOL)-Dagaal u dhexeeya ciidamada Jubbaland iyo ciidamo taabacsan Cabdinaasir Seeraar oo sheegta inuu yahay madaxweynaha Jubbaland ayaa ka socda magaalada Kismaayo ee caasimadda kumeel gaarka ah ee Jubbaland.
Wararka Hiiraan Online helayso
ayaa sheegaya in dagaalkaan uu bilowday kadib markii ciidamada Jubbaland ay
rasaas ku kala eryeen dibadbaxayaal taageersanaa Cabdinaasir Seeraar, kadibna halkaasi waxaa ka biloway dagaal toos ah
oo u dhexeeya ciidamada jubbaland iyo kuwa Seeraar.
Warar aan weli si dhab ah
loo xaqiijin waxay sheegayaan in ciiddanka Jubbaland ay wearareen saldhiga
ciiidanka Cabdinaasir Seeraar, halkaas oo lagusoo waramayo inuu haatan dagaalku
ka socdo.
Waxaa uu dagaalkaan kusoo
beegmay, iyadoo saakay Magaalada Kismaayo Kismaayo ahayd Bandow laguna waday
inay halkaas tagaan safiirka Maraykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoota iyo taliyaha ciiddanka Maraykanka Afrika ee (Africom)
Illaa iyo hadda lama oga khasaaraha
ka dhashay dagaalkaan, waxaana uu dagaalku ka socdaa dhinaca waqooyi ee
magaalada, halkaas oo ay ka dhowdahay xarunta madaxtooyada Jubbaland.
Wixii faahfaahin kala soco Hiraan Online.