Mareykanka oo sheegay in oo toddobaadkan dib u bilaabay taageerradii militari ee uu siin jiray Soomaaliya
Arbaco, Feberaayo, 12, 2020 (HOL)-Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in toddobaadkan ay dib u bilaawday taageeraddii milatari ee ay siin jirtay ciidmada dowladda Soomaaliya.
War ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ayaa lagu sheegay in tallaabadan Mareykanka uu qaaday ay ka dambeysay kaddib markii
ay korortay kalsoonidii Mareykanka uu ku qabaan hanaanka maamulka dhaqaalaha ee dowladda.
Afhayeen u hadlay safaaradda oo lagu magacaabo Ryan Grizzle ayaa yiri “Waxaan ugu baaqeynaa Dowladda soomaaliya inay mudnaanta koobaad siiso wax ka beddelka iyo tayeynta hay’adaha amniga, si loo helo ciidamo Soomaaliyeed oo awood u leh inay amaanka dalkooda la
wareegaan.”
Waxa uu sheegay in Mareykanku uu sii wadi doono kaalmadan dhaqaale oo
ah mid kooban, oo lagu taageerayo oo kaliya la-dagaalanka argagixisada.
Qoraalka ayaa ugu dambeyntii lagu sheegay in dib u heshiisiinta
dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada xubnaha ka ah ay muhiin u
tahay, hirgelinta dowlad xooggan oo ammaanka hanan karta, iyo barwaaqo
ay ay higsadaan guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.
Dowladda Mareykanka ayaa joojisay taageeraddii cunto iyo shidaal ee
ay siin jirtay ciidamada Soomaaliya sanadkii 2017-kii, iyadoo sabab uga
dhigtay welwel ay ka qabtay musuq-maasuq baahsan oo ka dhex jiray sida
loo maareeyo gargaarka ciidanka.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]